Jubbaland oo War cusub kasoo saartay Xariga Wasiir Janan+VIDEO

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa markale waxaa uu si kulul uga hadlay xariga Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhowr bilood ka hor Magaalada Muqdisho ugu geysatay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan).

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in Cabdirashiid Janan uusan aheyn dambiile,isla markaana Madaxda Dowladda Federaalka looga baahan yahay inay siideyso.

Waxaa uu ugu baaqay Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare inay kaalin ka qaataan sidii loo siideyn lahaa Wasiirka Amniga Jubbaland oo tan iyo markii la xiray hal jeer kasoo muuqday Maxkamada Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa sheegay in hadii la siideyn waayo Wasiirka cawaaqib xumada ka dhalata uu mas’uuliyadeeda qaadi doono Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 31-dii Bishii Agoosto ee sanadkaan 2019 waxaa ay garoonka Diyaaradaha Muqdisho ka soo xirtay Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan, iyada oo lagu Eedeeyey xadgudub dhanka bani’aadannimada gaar ahaan arrin ka dhacday sanadkii 2015 Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, halkaasoo afar ruux oo maxaabiis ahaa lagu dhex dilay xabsigii ay ku jireen.