Maxaa looga hadlayaa kulanka Baarlamaanka Puntland ee maanta ?

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa maanta yeelanaya Kulankoodii Labaad ee Kalafadhiga 45-aad oo furmay maalinadii sabtida aheyd.

Ajendaha maanta ee kulanka Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa ah ansixinta Ajendayaasha Golaha ee inta uu socdo Kalafadhiga 45-aad.

Xildhibaanada Golaha ayaa kulankoodii shalay soo jeediyay Fikradahooda ku aadan Ajendayaasha muhiimka ah, waxaana ay soo bandhigeen in kulanka looga hadlo Qodobo ay kamid yihiin Shirkadda DP World ee gacanta ku heysa Dekedda Boosaaso iyo Khilaafka Siyaasadeed ee Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kalafadhiga 45-aad ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa socon doona 45 Maalmood, waxaana Dadka Odorasa Siyaasadda Puntland ay aaminsan yihiin inuu ka duwan yahay Kalafadhiyadii ka horeeyay, Shacabka ayaana isha ku haya Kulamada Baarlamaanka oo bilowgii horeba ku furmay Mowjado Adag oo Siyaasadeed.