Ra’iisulwasaare Kheyre oo Ku wajahan Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa inuu gaaro magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay ka taagneyd xiisad siyaasadeed oo ku aadan hannaanka loo dhisayo maamulka Galmudug oo ay isku khilaafsan yihiin Ahlusuna iyo dowladda Federaalka.adeer

Xiisada siyaasadeed ee ka taagan Dhuusamareeb ayaa timid, kaddib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ay magacawday Guddiga Farsamada Maamul dhisida Galmudug, halka Maamulka Ahlusuna ay ka soo horjeesteen, waxaana ay magacaabeen Guddi kale.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Dhuusamareeb oo noqonaya kii saddexaad uu ku tago, tan safarkiisii bishii June ku tagay magaaladaas iyo deegaano ka tirsan Galmudug, ayaa la filayaa inuu berri ku gaari Dhuusamareeb, waxaana maanta halkaas tagaya Wafti horudhac u ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay ciidamo fara badan ku daabuleysay magaalada Dhuusamareeb, iyadoo dhowr diyaaradood looga qaaday Muqdisho, waxaana sidoo kale jira dhaqdhaqaaqyo ay waddo Ahlu-sunna oo Ciidamo soo gelisay Gudaha Magaalada.