Shir looga hadlayo Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya oo ka furmay Turkiga

Shir wadajir ah oo ku saabsan dib-u-eegista Dastuurka ayaa uga furmay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddiga Lasocdka, Guddiga Madaxabannaan iyo Guddiyada Dastuurka Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ayaa magaalada Istanbul uga furmay shir toban maalin socon doona laga bilaabo 27 Octoobar 2019 ilaa 5ta Nofeebar 2019 oo ku saabsan dib-u-eegista 15ka Cutub Dastuurka ee la soo dhameeyay.

Ugu horeyn, waxaa shirka ku soo dhaweeyay dhamaan ka qayb-galayaasha islamarkaana sharaxday ujeedooyinka shirka Gudoomiyaha Gudigga la-socodka ee Dib-u-eegista Dastuurka ee labada gole Mudane Cabdi Qaybdiid.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa hogaaminayay wafdiga Dowladda ee dib-u-eegista Dastuurka.

Gabagabadii, shirkan ayaa muhiimad ugu fadhiyo dib-u-eegista dastiirka gaar ahaan 15 ka cusub ee soo dhamaaday, taasoo la doonayo in mudadan tobanka cisho lagu turxaan bixiyo wixii sixitaan yar yar u baahan ee ku saabsan dhanka farsamada.