Shirka Dib-u-eegista Siyaaasadda Barakacayaasha Puntland oo Garoowe lagu qabtay+VIDEO

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyadda Dowladda Puntland ayaa maanta Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ku Qabatay shir dib loogu eegaayo Siyaaasada Barakacayaasha Puntland.

Ujeedka shirka ayaa ku saabsana sidii dib u eegis iyo waxka bedel loogu samayn lahaa siyaasada barakacayasha ku nool puntland kulan ayaa waxa soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha gaar ahaan waaxda qaxootiga iyo barakacayaasha waxaana shirka kasoo qayb galay Hay’adaha madaxa banaan ee Wasaaradda kala shaqeeya arrimaha barakayaaasha iyo hay’adaha dowliga ah ee bahwadaagta kula ah wasaaradda arrimaha gudaha howlaha barakacayaasha, xubno matalayey barakaacayasha ku nool Puntland iyo madaxkale oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha.

Shirka waxaa si rasmi ah u daahfuray Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Musadaq Maxamed waxa kale oo shirka kasoo qayb galay oo ka hadlay madasha Agaasimaha guud ee wasaaradda Maxamed Cali Nuur ( jubba) iyo Agaasimaha waaxda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Beexaani Axmed Barre.

Shirka oo soconayay hal maalin ayaa lagu soo bandhigay siyaasadda iyo Xeerka barakacayaasha oo la rabo in dhawaan loo gudbiyo golayaasha Dowladda si ah u ansixiyaanayaan sidoo kale waxa lagu soo bandhigay qodobada wax laga bedelay si ay uga doodan madaxdii shirkaas kasoo qaybgashay.