Tirada dadkii ku dhintay doontii ku qalibantay Baladweyne oo la shaaciyey

Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa shaaciyey tirada dadkii ku geeriyooday doontii ku qalibantay Magaalada Baladweyne xilli dadkaasi ay kusii jeedeen deegaanka Ceel-Jaalle ee duleedka Koonfur ee Magaalada Baladweyne,kadib amrkii Magalada Baladweyne ay buux dhaafiyeen Biyaha fatahaad uu sameeyey Wabiga Shabeelle.

Dadka doontaa saarnaa oo isugu jiray Mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulka hir-Shabelele iyo dad Shacab ah ayaa badankood la soo badbaadiyey halka qaar kale ay geeriyoodeen.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Kulmiye ayaa sheegay in ilaa todobo ruux ay ku geeriyoodeen doontaas o ay kamid yihiin Dahabo Xasan oo kamid aheyd la-taliyeyaasha Madaxweyne Waare Sharmaarke oo isagana ka tirsanaa xafiiska Dowladda Hoose ee Beledweyne, Deeqo oo aheyd iyadana gabar u dhaq dhaqaaqda arrimaha Bulshada  iyo dad kale oo Shacab ah.

Markii ay doonta qalibantay ayaa gurmad la sameeyey waxaa lagu soo badbaadiyey Xubno ay kamid ahaayeen Guddoomiyihii hore ee Maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Fitaax Xasan Afrax iyo Duqa degmada Baladweyne Safiyo Sheekh Cali Jimcaale iyo dad kale.