WAA KUMA XILDHIBAAN CALI XOOSH ?

Cali Yusuf(Cali Xoosh) waa Mulkiilaha Wasaarada Arimaha Dibadda wuxuu keensaday Walalkiis(Ilmo Abti iyo ilmo Eedo Laxmi ah) Axmed Ciise Cawad oo markaa ahaa Safiirka Somalia ee Mareykanka, isagoo awoodaas dadban u isticmaalay inuu ku fushado Maslaxad kasta uu u arkayay inay dantiisa gaar ka ah kujirto, isagoo Khayaamaynaya Madaxwaynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, wuxuu sababay Khilaafka Xalka loo waayay ee Puntland iyo DF isagoo garwadeen ka ah MASHAQO kasta ee labada dhinac ka abuuranta, sidoo Beesha Gobolka Mudug oo Siyaasad ahaan iska soo horjeedaan oo uu 24 saac Hagardaamooyinkooda ka shaqeeyo isagoo xataa qarsan kari wayay Ilaa Caasimadda Muqdisho iyo Guud ahaan Dalka laga laga ogaaday.

1.A.Cali Xoosh wuxuu is hortaag aan gabasho lahayn ku sameeyay in Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Waftigii balaarnaa ee uu hogaaminayay ay dhagax dhigaan Dakadda Garacad isagoo abuuray bilowgii Khilaafkii DF iyo Puntland, wuxuuna kadib Naf iyo Maalba ku bixiyay in DF ay marnaba qayb ku yeelato Mashruucaas Dekadda Garacad.

1.B. Cali Xoosh Wuxuu qoray oo Wasiir Cawad (Walalkiis) ka qoray Warqad uu City Council ka u diray isagoo is hortaag ku sameeyay in Markabkii Qalabka Qarxiska Dakadda Garacad oo markaa Gacanka Cadmeed lagu haystay aan lasoo dayn isaga uu Wasiir Cawad Warqada ku cadeeyay in Qalabkaas Khatar badan keeni doono gudaha Soomaaliya ayna macquul tahay in Alshabaab gacantooda galo, ilaa markii danbe Wasiirka Amniga (Islow) u adkaysan waayay Gunimadda Cali iyo Walalkiis ku kaceen uuna qoray Warqad uu ku cadaynayo in wax khatar ah uusan keeno doonin Qalabkaas Qarxiska ah ee Dekadda loo isticmaalayo(Cadeyn)

  1. Cali Xoosh isagoo Awooda Walalkiis isticmaalaya wuxuu booskii AUN Osman Abshir Cigaal (Omar Maxamud) Agaasimihii Waaxda Sharciyadda (Legal Department) ee Wasaarada Arimaha Dibadda keensaday Nin Mahad la yiraahdo oo uu Nairobi ka keenaysaday kana mid ahayn Gudiga Shaqalaha Rayidka ah ee Dowladda (Cadeyn).

3.Cali Xoosh isagoo Awooda Walalkiis isticmaalaya wuxuu badalay Hamiiza Isbariija(Omar Maxamud) Qunsulkii Safaaradeena Soomaaliya ee Cuman wuxuu ku badalay Ahmed Ciid oo beel hoose isla yihiin kana wada tirsanyihiin Aaran Jaan(Cadeyn)

3.Cali Xoosh isagoo Awooda Walalkiis isticmaalaya wuxuu soo xareeyay Foos Jaamac Gayre( Omar Maxamud) Xoghayihii Kowaad(First secretary) Safaaradeena Soomaaliya ee Geneva Swizerland isagoo ku badalay Abdirahman Dhere oo Beel hoose isla yihiin(Cadeyn)

  1. Cali Xoosh isagoo Awooda Walalkiis isticmaalaya wuxuu badalay Ubax Cali Zeed(Omar Maxamud) Xoghayihii Sadexaad Safaaradeena Soomaaliya ee Nairobi, Kenya wuxuu ku badalay Khaalid ibrahim faarax Gaas oo beel hoose isla yihiin(Cadeyn)

5.Cali Xoosh wuxuu qayb ka ahaa in shaqada laga cayriyo Agaasimihii Wasaarada Gaashaandhiga Sonkor Jaamac Gayre( Omar Maxamud) isagoo Wasiir ku qanciyay inuu keeno Gabar Walashiis dhashay dhashay wana la keenay(Cadeyn).

  1. Cali Xoosh wuxuu keensaday Cabdi Xamiid Dirir(isku beel) Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xooga Dalka isagoo Madaxwaynaha ku qanciyay inuu booskaas uu baneeyo Taliye (Jeeniqaar) Taliyaha Ciidanka Danab(Omar Maxamud) madama 4.5 aysan meesha ku wada joogi karin.

7.Cali Xoosh isagoo Saxiixa Walalkiis isticmaalaya wuxuu magacaabay 83 qof Wasaarada Arimaha Dibadda oo iskugu jira Shaqaalaha Gudaha, Diplomaasiyiinta Safaaradaheena Dibadda, Ergooyiin gaar ah, Qunsuliyaddo oo uu ka furtay Baydhabo iyo Garowe isagoo markaa gaystay Rag ay isku beelyihiin, iyadoo Gudiga Odayasha(Marjaca) iyo dhamaan Shaqaalaha Wasaarada Arimaha Dibadda Qoraal Qaylo Dhaan ah kasoo saareen(Cadeyn).

  1. Cali Xoosh wuxuu ka shaqeeyay in la xiro Maamulo Kuxigeenkii Kastamka Qaybta Airpor-Aadan Cadde (Omar Maxamud) isagoo raba inuu keensado qof ay beel hoose isla yihiin.

Akhristow waa qaar kamid ah Hagardaamooyinkaan shalay Page-kayga kusoo qoray, waliba waxaan soo wadaa qaar badan oo uu Shacab tira badan oo Deegaanada Puntland kasoo jeeda oo xataa Gabdho Soomaaliyeed ku jiraan uu kula kacay isagoo raba inuu Sharaftooda oga badasho VIISOOYINKA SAFAARADA TURKIGA ay bixiso isagoo isticmaalaya Saxiixa Walalkiis ee Wasaarada Arimaha Dibadda. MAHADSANIDIIN.