Wararkii ugu dambeeyay ee Duqeymo ka dhacay J/dhexe

Duqeyn dhinaca cirka ah ayaa xalay ka dhacay deegaano ka tirsan Gobalka Jubbada Dhexe ,taas oo la sheegay in lala beegsaday Saldhigyo ay leeyihiin dagaalamayaasha Kooxda  Al-Shabaab.

Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa sheegay in duqeyntan oo  ka  dhacday Degmada Saakow, lagu dilay Saraakiil ka tirsan Kooxda Al-Shabaab iyo ilaaladooda.

Xubnaha lagu dilay duqeynta ayaa la sheegay inay ahaayeen Saraakiil muhiim u ah Kooxda Al-Shabaab, wallow aan weli magacooda la helin.

Diyaaradaha Ciidanka Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay la beegsadaan Saldhigyada ay ku sugan yihiin Saraakiisha Kooxda Al-Shabaab, waxaana todobaadkii lasoo dhaafay la duqeeyay Saldhigyo Kooxda ay ku lee dahay degmooyinka Jilib, Jamaame, Bu’aale iyo deegaano kale, kuwaas oo lagu khaarijiyay Saraakiil iyo Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.