Wasiir Xamza “Garoonka diyaaradaha Beledweyne waa xirmay”+VIDEO

Guddiga gurmadka fatahaadaha ee dowlada federalka ayaa sheegay in xaaladda Beledweyne ay tahay mid qatar badan ay ka jirto isla markaana uu xirmay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha Guddigan Wasiirka Gargaarka XFS Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in roobab xoog leh oo xalay ka da’ay magaalada Beledweyne uu sababay in garoonka diyaaradaha uu xirmay isla markaana xaaladda ay uga sii dartay.

Guddiga ayaa ka digey in magacooda lagu ururiyo gargaar isagoo amray in guddiga lala wadaago gargaarkii la yabooho ciddii u hogaansami weydana lala xisaabtami doono.

Ugu dambeyntii Guddiga gurmadka fatahaadaha ayaa baaq u diray bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada Galmudug,Puntland iyo Soomaaliland maadaama garoonkii Beledweyne aysan diyaaraduhu ka dagi karin in kaalintooda ay ka qaataan in dadka dhibaateysan la gaaro.