Wasiirka Waxbarashada Puntland oo gaaray Uganda+VIDEO

Wafti uu Hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland oo safar shaqo ku tagey Dalka Uganda ayaa waxaa si weyn halkaas ugu soo dhaweeyey Masuuliyin horey xilal kala duwan uga soo qabtay Puntland , Ardeyda reer Puntland ee wax ka barta Dalkaas iyo Jalliyarada reer Puntland ee Dalka Uganda.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland C/llaahi Maxamed Xasan, ayaa u mahad-celiyay Dadkii soo dhaweeyay, isagoona sheegay inay Ujeedada safarkooda Ugandha ay tahay xal u raadinta caqabadaha ka hor-yimaada Ardayda Reer Puntland ee wax ka barata Dalkaas.