Ahlu-sunna oo soo bandhigtay Heshiis ay horey ula gashay DFS+Akhriso

Hoggaanka Sare ee Ururka Ahlusunna Wal-Jamaaca ayaa soo Bandhigay Nuqulada ay sheegeen in uu yahay Heshiiskii ay wada gaareen, iyaga iyo Dowlada Faderaalka ah ee Soomaaliya.

Heshiiska oo dhowr qodob ka kooban ayaa Cadeynaya qaabka xulista Baarlamaanka Cusub ee Galmudug kaas oo la saxiixey Bishii June ee Sanadkaan  2019.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Ahlu-sunna ay warqadaan ah heshiiska ay horay ula galeen Dowladda Fedearalka ay u direen xubnaha Beesha Caalamka ee daneeya Arrimaha Soomaaliya.

Ahlu-sunna ayaa horay u sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya uga baxday hehsiisyadii ay wada galeen, inkasto Wasiirka Arrimaha Gudaha uu dhankiisa sheegay in arrintaasi aysan waxba ka jirin.

Akhriso Heshiiska ay Maanta Ahlusunna soo bandhigeen.