Ciidanka Ciraaq oo laayay dad dibad-bax dalkaasi ka dhigay

Ciidanka amaanka Ciraaq ayaa saacadihii hore ee saaka raasaas ku furay dad dibad-bax Dowladda looga soo horjeedo  ka dhigayay magaaladda barakeysan ee Karbala waxaana dhintay ugu yaraan 14 qof halka ay boqolaal kalena dhaawacmeen.

Dibad-baxyadda dib usoo cusboonaaday ee dalka Ciraaq ka socda waxaa looga oo horjeedaa musuq-maasuqa, shaqa la’aanta iyo adeegyadda dadweynaha oo liita.

Wadar dhan 250 qof ayaa ku dhintay mudada bisha ah ee mudaharaadyadu ka socdaan magaaladda Caasimadda ah ee Baqdaad iyo magaalooyin kale oo dhowr ah.

Magaaladda Karbala waxay Ciidanku rasaaseeyeen dad ilaa iyo xalay banaabaxayay. Ila caafimaadka ee magaaladda waxay sheegeen in ay dhaawacmeen 865 qof.

Majiro war kasoo baxay hey’adaha Dowladda oo ku saabsan waxyeeladd ciidanka lagu eedeeyay in ay u geysteen dadka Rayidka ah.