Dadaallo dib loogu bilaabayo wada hadalka Taalibaan iyo Maraykanka oo ka socda Pakistan.

Wakiilka Maraykanka u qaabilsan Wadahadallada nabadda ee Taalibaan ayaa u jooga Pakistaan dadaallo uu doonayo in dib loogu soo celiyo wadaxaajoodka lagu dhameynayo khilaafka Afganistaan ka aloosan 18-ka sano.

Zalmay Khalilzad, ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Pakistaan Imran Khan waxaana uu sidoo kale la hadli doonaa Taliyaha Ciidanka Pakistaan si loo raadiyo hanaan suura gelin kara in wada xaajood darafyo badan lala galo Taalibaan.

Dowladda Pakistaan ayaa dooneeysa in dib loo soo celiyo wadahaladda nabadda ee bur-buray Bishii September ee Sanadkaan kadib markii uu Madaxweyne Trump si lama filaan ah ugu dhawaaqay in dhamaadeen.

Golaha Sare ee maamula Taalibaan waxaa la rumeysanyahay in ay deganyihiin Pakistaan waxaana Dowladda Pakistaan lagu eedeeyaa in aysan awood ku filan saarin Ururka Taalibaan.