Madaxweyne Deni “Qardho waa lagu yaqaana garab istaaga dawladnimada”+VIDEO

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo maanta gaaray Magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar ayaa ku amaanay Bulshada Magaaladaas soo dhaweynta ay u sameeyeen, waxaana uu sheegay inay tahay dhaqan lagu yaqaanay.

“Qardho waa lagu yaqaanaa xamaasada, soo dhawaynta iyo is barbartaaga dawladnimada, hadaysan dawladu shacabkeeda garab ka helin way adkaanaysaa ula jeedooyinkii loo doortay inay gudato” ayuu yiri Madaxweyne Deni