Mareykanka oo ka hadlay Fatahaadaha Webiga ee Beledweyne+Akhriso

War kasoo baxay safaarada Mareykanka ee Muqdisho  ayaa waxaa looga hadlay fahaatadaha Wabiga Shabeelle uu ka geystay Magaalada Baladweyne iyo daadadka kusoo rogmaday Magaalada Bardaale iyo khasaaraha ka dhashay.

Qoraal kasoo baxay Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay inay la socdaan fatahaada Wabiga ee ka jira Baladweyne iyo daadka kusoo rogmaday Bardaale, iyada oo loo tacsiyadeeyey dadkii ku dhintay fatahaada Wabiga ee Magaalada Baladweyne.

“Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya  waxaa ay la socotaa xaaladda daadadka qaybo ka mid ah dalka oo ay ku jiraan Beledweyne iyo Bardale, waxaana u tacsiyadeyneynaa dadka ku dhintay fatahaadaha iyo daadka  ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay safaarada Mareykanka ee Muqdisho.

Sidoo kale safaarada Mareykanka ee Muqdisho   ayaa sheegtay in Mareykanka uu diyaar u yahay Markaan inuu taageero u fidiyo dadka ku waxyeeloobay fatahaada,isla markaana uu kordhiyo  dadaalada samafalka ee Somalia.

Wabiga Shabeelle ayaa waxaa fatahaad xoog leh uu ka sameeyey xaafado ka tirsan Magaalada Baladweyne iyo deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe,waxaana fatahaadaha ka dhashay khasaaro dhimasho ah.