Maxaa kasoo baxay kulankii Hoggaanka Ahlu-sunna iyo Wasiir Sabriye ?

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa xalay kulan ku yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo maalmahaan halkaasi ku sugan iyo hoggaanka ugu sareeya Ahlusunna Wal-Jamaaca.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Inji ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa looga hadlay sidii Ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusunna loogu celin lahaa xeryahooda, isla markaana laga dhex saaro gudaha Magaalada,kuwaas oo soo galay,kadib xiisad Siyaasadeed oo ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb taas oo u dhaxeysa Dowladda Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlusunna.

Sidoo kale kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen arrimaha la xiriira guddiga doorashada Galmudug maadaama Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ay kala Magacaabeen laba Guddi doorasho iyo dhismaha Galmudug.

Warar soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in labada dhinac ay ku heshiiyeen in Ciidamada Dowladda & kuwa Ahlusunna la geeyo Xeryahooda,isla markaana Amniga Magaalada kaliya lagu wareejiyo Ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya.

Dhowr jeer oo hore ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlusunna waxaa ay yeesheen kulamo xasaasi ah,kuwaas oo badankood aan waxba kasoo bixin,waxaana kulankii ugu dambeeyey oo ay dhawaan yeesheen uusan kasoo bixin wax natiijo ah taas oo keentay in Sheekh Shaakir uu Magacaabo Guddi doorasho.