Sheekh Shariif oo baaq u diray Xukuumadda iyo Shacabka Soomaaliyeed+Akhriso

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa waxaa uu ka hadlay fatahaadaha wabiga Shabeelle uu ka sameeynayo deegaano ka tirsan Hirshabeelle gaar ahaan Magaalada Baladweyne.

Sheekh Shariif ayaa waxaa uu sheegay in Ummada Soomaaliya uu la wadaagayo murugada waxyeelada Fatahaada Wabiga Shabeelle, isagooan tacsi u diray qoysaska ay ka baxeen dhammaan dadkii ku dhintay fataahada, wuxuuna Alle uga baryay inuu Janada ka waraabiyo.

Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamulada xubnaha ka ah iyo saaxiibada Soomaaliya ee caalamkaba inay ka qayb qaataan gurmadka deegaanada dhibaatadu gaartay.

Akhriso Fariinta Sheekh Shariif u diray Dowladda iyo Buslahada Soomaaliyeed

Waxaan umadda Soomaaliyeed la wadaagayaa murugada waxyeelada fatahaadaha wabiga Shabelle, aniga oo si guud tacsi ugu diraya qoysaska walaalihii ku dhintay, kuwa dhaawacmayna allaha noo caafiyo anigoo ilaahay ka rajeynaya in lahelo walaalaha ku maqan fatahaadda.

Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa bulshada qaybaheeda kala duwan in gurmad deg deg ah lala gaaro dadka ay dhibaatada fatahaaddu saameysey, dhammaanteenna aan gacmaha isku qabsanno sidii aan isku caawin lahayn.

Ugu dambeyntii waxaan baaq gurmad u dirayaa dowladda dhexe ee dalka, maamulada xubnaha ka ah iyo saaxiibada Soomaaliya ee caalamkaba inay ka qayb qaataan gurmadka deegaanada dhibaatadu gaartay.