Wadadii Garoowe iyo Gaalkacyo oo fashilantay markale!!

Midowga Yurub waxay laaleen lacagtii ay ugu talagaleen dhismaha Wadada Galkacyo iyo Garowe,taasoo gaaraysay Toban Milyan iyo Todobo Boqol oo Kun dolar markale.

Midowga Yurub oo lacagtan dib u ogolaaday doorashadii Madaxweyne Deni kadib,ayaa hada joojiyay bixinteedii.

Sababta loo joojiyay lacagtaas,ayaa timid kadib markii Dowlada Puntland ay ku guuldaraysatay soo dhamaystirida shuruudiihii laga rabay dhankeeda.

Shuruudaha ay ku xireen Midowga Yurub Puntland,ayaa waxay kala ahaayeen..

1.In Shirkadii horay uhaysatay qandaraaska ee isxilqaan laga saaro meesha.

2.In tartan furan dib loogu galo qandaraaska dhismaha Wadada si daahfurnaan leh.

Dowlada Puntland waxay ku fulin wayday shuruudahaas mudadii loo cayimay.

Sababaha ay ufulin wayday shuruudahaas,ayaa waxay kusoo kooban yihiin laba qaybood oo kala ah…

B.Shirkada isxilqaan ee horay uhaysatay Qandaraaska Wadada,ayaa sheegatay lacag gaaraysa Hal Milyan iyo Bar dolar Maraykanka ah,taasoo Midowga Yurub ay sheegeen in ay kaliya ka ogol yihiin lacag dhan Todobo Boqol oo kun oo dolar.

T.Dowlada Puntland oo ku guuldaraysatay bixinta Sideeda Boqol ee ka harsan lacagta shirkada isxilqaan oo ay sheegatay ay buuxinayso si mahsruucu udhaqaaqo.

J.Madaxweyne Deni oo awoodi kari waayay in uu go’aan ka qaato koox saamayn ku leh oo aad udanaynayay qaadashada qandaraaska dhismaha Wadada.

Arimahaas oo isbiirsaday awgeed waxay sababeen in mashruucii dhsimaha Wadada Gaalkacyo-Garowe uu fashilmo mar labaad.

Masuuliyiinta reer Mudug ku matala Dowlada iyo Wadada!!

Waxaan la xiriiray inta badan masuuliyiinta kasoo jeeda Gobolka Mudug oo aan kala hadlay mashruucaas,balse nasiibdaro ma jirin hal mid oo kamid ah oo danaynayay.

Sidoo kale majirin masuul jawaab waafiya oo lagu qanci karo iga siiyay halka uumarayo mashruucaas,waxaana ay ukaayeen kuwo aan wax badan kala socon iyo kuwo aan kalaba jeclayn oo dantooda gaarka ah ay kala waynayd.

Wadada Garowe iyo Galkacyo oo ah mid aad muhiim ugu ah Puntland iyo guud ahaan Somaliya,ayaa waxaa si masuuliyaddari ahayd umaamulay Qandaraaskii dhismaheeda Madaxweyne Gaas,waxuuna gacanta ugaliyay shirkad gacan ku rimis ah oo aan awood ulahayn dhismaha Wadadaas.

Isku soo wada duuboo Midowga Yurub waxuu joojiyay lacagataas markale lamana sadaalin karo in mar sadexaad dib loo heli doono.