Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal ka dhacay Deg. Caabudwaaq

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay dagaal beeleed maanta ka dhacay Degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga gobolka Galgaduud, kaas oo sababay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii labada maleeshiyo beeleed ay isku qabsadeen dhul ku yaalla banaanka degmada Cabudwaaq gaar ahaan Xaafad lagu Magacaabo Ceel-Gargaar oo ah duleedka Bariga Cabudwaaq, taasi oo sababtay inay wada dagaalamaan..

Dadka degaanka ayaa sheegay in hal ruux uu ku geeryooday dagaalkan, halka labo kalena ay dhaawacmeen, waxaana goobta uu dagaalku ka dhacay gaaray Ciidanka Booliska iyo Nabad-sugida Maamulka Galmudug, kuwaas oo kala dhex-galay Maleeshiyo beeleedka.

Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News