Wasiir Physics “Somaliland waxaan lee yahay Qorax soo baxday sacabo ma qariyaan”+VIDEO

Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xolaha Dowladda Puntland Siciid Cismaan Aadan oo manta shir jira’iid ku qabtey Magalada Garoowe ayaa ka hadlay wax qabadyada ay ka fulisey Xukumada uu hoggaamiyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni Gobolada Sanaag iyo Haylaan.

Wasiir  Siciid Cismaan  ayaa sheegay Khudbaadi Madaxweynaha Puntland ee uu ka jeediyey Kalfadhiga Golaha Barlamaanka Puntland uu kaga hadleyey Wax-qabadyada Dowladu ka hirgalisey Gobolada Sanaag iyo Haylaan ay tahay wax dhab ah, Xukumadduna ay iminka wado qorshayaal wax qabadyo cusub oo ay ka hirgalineyso Goboladaas.

Sido kale Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xolaha ee Dowladda Puntland Siciid Cismaan Aadan ayaa waxaa uu ka jawaabey Hadal dhawan kasoo yeeray Wasiirka Cadaalada ee Maamulka Hargeysa.