Xildhibaan Jindi “500.000 oo Dollar in ka badan ayey u is-ticmaashaa siyaasadda Xukuumaddu”+VIDEO

Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Axmed Jindi oo kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay ka gaabiyeen Howlaha ugur mashada Dadka uu saameeysay Fatahaadda ay samaynayaan Wabiyada Jubba iyo Shabelle.

Xildhibaan Jindi ayaa sheegay inay aad u yar yahay gar-gaarka loogu talagay dadka ku dhibaateysan Beledweyne iyo Gobolada kale ee dalka, sida Bay iyo Jubboyinka.

Waxaa uu sheegay in qorshaha iyo gar-gaarka la qoondeeyay aysan isku dhaweyn dhibaatada jirtana ay ka baaxad weyn tahay, sida ay Xukuumaddu wax u maareynayso.

Sidoo kale, Xildhibaan Jindi ayaa sheegay in Lacag gareysa 500.000 oo doollar, ay Xukuumaddu ugu tala gashay maareyta fatahadda Beledweyne, taasna ay aad u yartay isla markaana aysan kaafi karin dhibaatada ka taagan Magaaladaas, lacago intaas ka badan ayuu sheegay Xildhibaankuu inay Xukuumaddu u isticmaasho arimaha siyaasadda.

Waxaa sii kordhaya barakaca dadka reer Beledweyne, waxaana daafaha magaaladaas ku dhibaateysan dad naftooda kala baxsaday fatahaadda wabiga Shabeelle, kuwaas oo aan heysan hooy, har iyo wax ay quutaan toona.