Axmed Karaash oo dib ugu soo laabtay Garoowe, kana hadlay safarkiisii+VIDEO

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, kaddib safar qaatay illaa muddo bil ah oo uu dalka ugu maqnaa.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa si diiran waxaa ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir, xubno kamid ah Labada Gole ee Dowladda, Maamulka Gobalka iyo Kan Degmada, Saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Caasimadda.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), oo la hadlay saxaafadda ayaa ka warbixiyay safarkiisa, isagoona xusay inuu Shir uga qeyb-galay Dalka Turkiga, sidoo kalena uu gaaray dalal kale oo kamid ah Yurub.