CC Warsame “5 maalin oo biyo dhaamis ah iyo 500 maro kaneeco ah ayaan ugu deeqnay Walaalaha Beledweyne”+VIDEO

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Abdirahman Abdishakur Warsame, oo Shir Jaraa’id ku qabtay Goor-dhaweyd Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Xaalada Billi’aadanimo ee ka taagan Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan.

Abdirahman Abdishakur Warsame, ayaa ku dhawaaqay in Xisbiga Wadajir uu ugu deeqay Dadka ay Fatahaaduhu saameeyeen 5 maalin oo biyo dhaamis ah iyo 500 maro kaneeco ah, isagoona sidoo kale ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay gaargaar iyo gacan walaalnimo u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed ee Beledwyne ku barakacay iyo kuwa ku go’doonsan.