Dowladda Soomaaliya oo diyaarado gargaar ah u diraysa Beledweyne iyo Bardaale.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa labo Diyaaradood oo gargaar ah u direysa maanta Magaalooyinka Baladweyne iyo Baydhabo,goordhow ayaa lagu wadaa labadaas diyaaradood inay ka duulaan garoonka diyaaraha ee Muqdisho iyaga oo ku sii kala jeeda Baladwayne iyo Baydhabo.

Diyaaradaha Gargaarka saaran ayaa loogu talo galay in dadka dhibaateysan si dhaqsi ah loo gaarsiiyo maadaama dadka xaaladooda aad u liidato.

Magaalada Baladweyne ayaa waxaa ku fatahay Wabiga Shabeelle kaas oo inta badan saameeyey Xaafadaha kala duwan ee magaaladaas.

Dadka ayaa intooda badan isaga barakacay Baladwayne waxayna miciin bideen duleedka magaalada iyo meelaha dalcadaha si ay uga badbaadaan Fatahaadda.

Sidoo kale, Degmada Bardaale ee Gobolka Baay dadkii ku noolaa ay iyana duleedka degmadaasi u barakaceen,kadib markii Magaalada ay kusoo rogmadeen daadad ka dhashay roob dhawaan ka da’ay degmadaas.