Ganacsatada Jubbaland oo Khasaare kasoo gaaray Xayiraaddii ay DFS saartay Kismaayo.

Ganacsatadda degaanada Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa sheegay in Khasaare weyn uu kasoo gaaray Xayiraadii ay dowladda dhexe ee Soomaaliya ay dhawaan saartay Magaalada Kismaayo Duulimaadyada Aada iyo kuwa ka yimaada.

Guddoomiyaha Rugta ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland, Shaafi Raabi Kaahin ayaa sheegay in ay diiwaan geliyeen khasaraha ka dhashay xayiraadas, oo uu sheegay in Khasaare Ballaaran uu kasoo gaaray Shacabka Magaalada Kismaayo.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Khasaaraha ugu badan uu soo gaaray dukaamada lagu iibiyo qalabka korontada ku shaqeeya, shirkdaha diyaaradaha, ganacsiga quutur daruuriga, isbitaallada, huteellada, waxbarashada, warshadaha yaryar iyo waliba makhaayadaha.

“Qof walba tabartiisa ayuu khasaaray, tusaale ahaan huteellada bishii soo xareyn jiray 30 kun oo doolar, waxay na tuseen in ay soo xareyeen intaas barkeeda, waxayna arrintan aad u saameysay isbitaallada oo waxaan tagnay isbitaallo shaqada ka eryay shaqaalihii, dadkaas na waxaa ku hoos noolaa dad kale oo arrintaa ay saameysay”, ayuu yiri Shaafi Raabi oo la hadlay BBC.

Khasaaraha guud ayuu ku tilmaamay in uu gaarayo boqolkiiba konton dakhligii soo geli jiray ganacsatada.

“Qiimeyn ayaannu sameynay, oo xitaa huteellada waxay na tuseen in sariiraha ay cidlo yihiin”, ayuu yiri Shaafi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in dhammaan diyaaradihii tagi jiray ama ka bixi jiray Magaalada Kismaayo ay sii maraan ama soo maraan garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde, oo ku yaalla magaalada Muqdisho.