Madaxweyne Deni oo dhagax-dhigay Madxafka iyo Maktabada Guud ee Qardho+VIDEO

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhagax dhigay dhismaha Madxafka iyo Maktabada Guud ee degmada Qardho, oo noqonaysa xarun lagu lagu keydiyo aqoonta iyo taariikhda.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu bogaadiyey in maamulka degmada iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ka shaqeeyeen diyaarinta dhulka laga dhisayo Madxafka iyo Maktabada Guud ee degmada Qardho, Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Dowladdu qeybteeda ka qaadanayso si loo hirgeliyo xaruntan.

Xafladda Dhagax dhiga waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabanacad, Maamulka Gobolka Karkaar, kan degmada Qardho iyo Guddiga u qareemida dhismaha Madxafka iyo Maktabada Guud ee Qardho.