Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida oo xukun dil riday

Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidanka qalabka sida ayaa saaka xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal loo haysto qarax ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Cali Axmed Guure (Qoyane) oo maqane ah laguna Eedeeyey in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab iyo Nuur Ibraahim Mahad Alle ayaa lagu wada xukumay dil toogasha ah halka Cabdirxmaan Sheekh Cilmi Cawaale gudoomiyihii  hore ee degmada Maxaaas lagu xukumay xabsi daa’in.

Dhammaantood waxaa loo heystaa Qarax uu ku dhintay Guddoomiye ku xigeenkii degmada Maxaaas Rashiid Cusmaan Cabdi  kaas oo dhacay 19/04/2019.