QM oo digniin kasoo saartay Duufaan kusoo wajahan Degaanada Puntland iyo Somaliland.

Hey’adda Qaramadda Midoobay u qaabilsan Cunnada  ayaa ka digtay duufaan ku soo wajahan gobolada woqooyi iyo kuwa bari ee Soomaaliya, mudddo sanad ah ka dib duufaantii saqar ee bur-burka ka geysatay geeska Afrika.

Saadaal ay sameysay FAO ayey ku sheegtay in duufaantaas oo lagu magic daray Kyarr loo malaynayo in ay la timaado dabaylo awood leh iyo roob, kuwaas oo sameyn ku reebi doona Puntland iyo Somaliland.

“Duufaanta Kyarr ayaa kusoo dhawaaneysay Woqooyiga Badweynta Hindiya waxaana la filayaa in 4-ta ilaa 5-ta maalmood ee soo socda ay saameyso inta ugu badan ee Puntland iyo Somaliland” ayuu lagu yiri digniinta FAO.

Waxaa ay duufaantu ku hormari doontaa deegaanadda Puntland 96-da saac ee soo aadan, 24 sac kadibna waxay u jaheysan doontaa Soomaaliland.

Duufaantu waa ay adag tahay waxyna roob badantahay, hey’adaha caaalamiga ah ayaana ku talinaya in loo diyaar garoobo sidii looga jawaaabilaha qaylo dhaanta dadka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland ayaa sacaadihii lasoo dhaafay digniino u direysay Shacabka Puntland ee ku nool Degaanada Xeebaha, iyadoona sheegtay in laga yaabo in Duufaantani ay saameyso Gobolada Bari sida,Sanaag,Heylaan, Gardafuu iyo Karkaar.

“Wasaaradda Arrimaha gudaha waxaa ay ku wargilineysaa dadka degan Xeebaha Puntland, gaar ahaan gobolada Bari sida,Sanaag,Heylaan, Gardafuu iyo Karkaar in dabeylo xoogan oo roob wata ay inagu soo fool leeyihiin sida ay sheegeen qolayaha saadaasha hawada, hadaba taxaddar badan hala qaato” ayaa lagu yiri farriimaha dadka loo diray.