QM oo shaqaale gargaar oo looga dilay K/Sudan

Ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha socdaalka ayaa sheegtay in saddex kamid ah shaqaalaheeda lagu dilay dagaal ka dhacay Suudaanta Koonfureed gaar ahaan xadka dalkaas uu la wadaago Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

Shaqaalahan ka howlgalayay ha’yadda IOM ayaa la dilay markii ay dhexda u galeen rasaas lais weedaarsanayay markii uu dagaal ka dhacay Sabtidii halkaas.

Sida laga soo xigtay ha’yadda IOM, shaqaalahan waxay ka shaqeynayay baaritaanada cudurka Ebola ee ka socda deegaanada xadka si loo xakameeyo faafiddiisa.

Waxay ha’yadda hadda hakisay shan kamid ah goobaha ay baaritaanada Ebola ka wadday.