Ra’iisul Wasaaraha dalka Ciraaq oo lagu amray in uu is casilo

Labada xisbi ee ugu wayn dalka Ciraaq horayna utaageeri jiray Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi ayaa ku amray in uu xilka ka dago.

Dalbashada Xil kadista Ra’iisul Wasaare Caadil Abdul Mahdi ayaa imaanaysa xilli ay sii kordhayaan dibad baxyada xoogan ee looga soo horjeedo dowladiisa.

Wadaadka Shiiciga ee Muqtada al-Sadri oo sidoo kale ah hogaamiyaha aglabiyada Baarlamaanka Ciraaq ayaa Ra’iisul Wasaare Caadil waydiistay in uu ku dhawaaqo doorasho waqtigeesa lagasoo hor mariyay.

Ra’iisul Wasaare Caadil oo dalabkaasi dhagaha ka fureestay ayaa Mr al-Sadri waxa uu haatan sheegayaa in isaga iyo xisbiga ugu wayn siyaasadda dalkaasi ay iska kaashanayaan sidii meesha looga saari lahaa Ra’iisul Wasaaraha.

Dibad baxyada looga soo horjeedo dowladda Ciraaq oo bilawday horaantii bishan ayaa waxaa ugu yaraan ku dhintay 250 ruux.