Safiirka Dalka Shiinaha oo Safar dhulka ah ku tegey Dangorayo, Raka-raaxo iyo Eyl+Sawirro

Weftiga waxaa Hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Axmed Bashiir Muuse, waxaana qayb ka ahaa Wasiirka Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda Faarax Maxamuud Cawaash, Wasiiirka Wasaaradda Cadaaladda Cawil Sheikh Xaamud, masuuliyiinta iyo hawlwadeenada shirkadda CCECC iyo masuuliyiin kale.

Safiirka dalka Shiinaha ee Soomaaliya Mr. Qin Jian iyo masuuliyiinta safarka ku wehelinaysey ayaa waxa ay shafarkooda shaqo ka bilaabeen kormeer ay ku sameeyeen burburka gaadhey wadada Garoowe iyo Boosaaso oo dhismaheeda labilaabidoona bisha dambe November 2019, ayna dhisidoonto shirkadda CCECC oo laga leeyahay dalka Shiinaha, waxa ay u gudbeen weftigu degmada Dangorayo oo si diiran loogu soo dhoweeyey.

Sidoo kale weftiga ayaa u sii kicitimay magaalada Qurxis oo hore loo oran jirey ( Qarxis ) soo dhoweyn balaadhan iyo Kormeer ay ku sameeyeen goobta uu yaallo qalabka dhismaha Wadada laamiga ah ee Dangoroyo iyo Eyl ayaa waxa ay u sii gudbeen degmada taariikhiga ah ee Eyl soo dhoweyn kadib Safiirka iyo Wasiirada ayaa kormeeray goobta laga dhisidoono Marsada Kalluumaysi ee dhowaan laga hergelindoono degmadaasi. Dhismaha marsadani ayaa waxa ay qayb ka ahayd shaqooyinkii muhiim ka ahaa ee usoo qabsoomay Madaxweyne Deni safarkii uu dhowaan ku tegey dalka Shiinaha.