Sheekh Shaakir oo Guddi cusub magacaabay+Akhriso

Madaxa Xukuumada Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir  Cali Xasan ayaa magacaabay Gudiga u gurmashada dadka ay saameeyeen fatahaada Wabiga Shabeelle uu ka geestay Magaalada Baladweyne.

Guddiga oo ka kooban Sagaal xubnood ayaa waxaa guddoomiye looga dhigey Yuusuf Xasan Ciyow,waxaana laga soo kala xulay maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Xubnaha Guddiga  ayaa waxaa ay  qaban doonaan inay ka qeyb qaatan gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaadaha Wabiga Shabeelle.

Madaxa xukuumada ayaa shacabka Galmudug ugu baaqay in laga qeyb qaato u gurmashada Dadka ku dhibaateysan Gobalka Hiiraan gaar ahaan Magaalada baaldweyne.