Sheekh Shariif “Dalkan waxa uu u dumay Cadaala daro mana aqbaleyno”+VIDEO

Madaxweynihii Hore ee DKMG aheyd ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ku dhawaaqay in aysan aqbali karin xaalada uu dalku marayo.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo loo doortay Hoggaamiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran oo looga dhawaaqay Muqdisho, ayaa sheegay inay had iyo jeer maqlaan in wixii ka dhacaba la yiraahdo Madaxweynuhu lama socon, taasna ay tahay mid aysan iyagu yeeli karin.

“Wixii dhaca waxaa lagu leeyahay Madaxweynuhu ma oga Dalkaan yaa Xukuma horta’ inagu waxaan la Xisaabtameyna Madaxweynaha Dadka kale ee hoos laga sheegaayo Shaqo kuma lihin” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed