Turkiga oo iska fogeeyay eedeemo kaga yimid dowladda Mareyknaka

Dowladda Turkiga ayaa iska diiday aqbalaada eedeemo kaga yimid Aqalka Wakiilada ee dowladda Mareykanka oo Turkiga ku eedeeyay xasuuq loogaystay dadka reer Armenia boqol sano kahor.

Aqalka ayaa meel mariyay qaraarkan lagu cambaareenayo Turkiga, iyagoona shegay in xasuuqaasi ay gaysteen boqortooyadii Cusmaaniyiinta horaantii qarnigii labaatan meeyadii. 

Turkiga ayaa ku doodaya in dadka reer Armenia ee ku dhinteen dagaalkii kowaad ee dunida, iyadoona dhimashada dadkaasi lagaarsiiyo boqolaal kun oo ruux.

Wasiirka Arimaha Dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaana dhaliilay qaraarka lagu cambaaray’yay dowladiisa, isagoona sheegay inay u yeereen safiirka Mareykanka ee Ankara sababo la xiriira qaraar uu meel-mariyey Aqalka Wakiilada Mareykanka oo si rasmi ah u aqoonsaday “xasuuqii Armenia”.