Xeer ilaalinta Puntland oo dalbaday in Xasaanada laga qaado Xildhibaan Cawil Daad+VIDEO

Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Dowladda Puntalnd ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland u gudbiyey codsi ku aadan in Xasaanada laga qaado Xildhibaan Cawil Xasan Daad, si Xeer ilaalintu ugu soo oogto dacwad Xildhibaanka.

Xeer ilaaliye ku-xigeenka Guud ee Dowladda Puntland Maxamed Xarees Faarax, oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in Xildhibaan Cawil Xasan Daad uu jabiyay Qodobo kamid ah Dastuurka Dowladda Puntland iyo Xeer hoosaadka Golaha Wakiilada, isagoona Golaha Xukuumadda u soo jeediyay Hadalo qadaf ah oo su’aalo loo ekeysiiyay 26-bishan oo aheyd markii uu furmay Kalafadhiga 45-aad ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland.

Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo kamid ah Golaha Wakiilada Puntland ayaa dhowaan su’aal ka careysiisay weydiiyay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, waxaana Madaxweynuhu uga jawaabay si kulul isagoona intaas kaddib ka baxay Hoolka Baarlamaanka.

Xukuumadihii kala dambeeyay ee Puntland ayaa dhowr jeer Dacwado kusoo oogay Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Puntland, iyadoona Xukuumaddii Madaxweyne Gaas ay 1 Xildhibaan Dacwad kusoo oogtay, halka Xukuumaddii Madaxweyne Faroole ay Xeer ilaalintu 4 Xildhibaan Dacwado kusoo oogtay.