Ciidanka DANAB oo howlgal ku dilay Xubno katirsan Al-Shabaab, soona bandhigay miinooyin+Sawirro

Ciidamada ka tirsan kuwa dowladda Somalia gaar ahaan Ururka Shanaad ee DANAB  ayaa waxaa ay howlgal Miino baaris ah ka sameeyeen degaannada Koban iyo Bangeen oo ka wada tirsan Gobolka Jubbada hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegeen in ay howl-galkaasi ku dileen Afar xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka tiro intaasi ka badanna lagu dhaawacay.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkaas lagu soo saaray miinoo dhowr ah oo lagu Aasay deegaannada Koban iyo Bangeen,kuwaas oo la doonayay in dadka lagu dhibaateeyo sida ay hadalka u dhigeen.

Wadada xiriirisa deegaannada Koban iyo Bangeen ayaan la marin mudooyinkii u dambeysay,kadib markii sida la sheegay ay dhowr mar qaraxyo ka dhaceen,waxaana saraakiisha Ciidamada Dowladda ay sheegeen in taasi ay tahay sababta keentay inay howlgalka Miino-baarista ah fuliyaan.