Deni oo la kulmay Odayaasha, Haweenka iyo Dhalinyarada Gobalka Hayland+VIDEO

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan xubno ka mid ah labada Gole ee Dowladda, ayaa kulan la qaatay hogaanka dhaqanka, Dhallinyarada iyo Gudoonka Haweenka Gobolka Haylaan.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa is xog-wareysi, waxayna Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Haylaan la wadaageen Madaxweynaha xaaladda guud ee Gobolka, horumarada socda iyo baahiyaha ka jira deegaanka , iyagoo aad uga mahadceliyey socdaalka Madaxweynaha ee Gobolka iyo shaqooyinka illaa hada Gobolka ay Dowladdu ka qabatay.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi ayaa dhamaadkii kulanka hadal u jeediyay Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Haylaan, wuxuu ku bogaadiyey ka shaqeynta midnimada, Nabada iyo horumarka Gobolka, isagoo u sheegay in Dowladdu ay Gobolka ka hirgelinayso adeegyada dowliga ah ee asaasiga ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni oo kulan la qaatay Dhallinyarada Gobolka Haylaan, ayaa warbixino ka dhageystay xubno u hadlay Dhallinyarada, waxaana Madaxweynaha ay la wadaageen xaaladda dhallinyarada ee deegaanka, qorsheyaasha ay hiigsanayaan iyo baahiyaha jira ee uga xiran dhinaca Dowladda.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Deni ayaa kulan la qaatay Guddoonka Haweenka Gobolka Haylaan, waxaa ay wadaageen xaaladda guud ee Gobolka, Doorka ay horumarka ka qaateen iyo waxyaabaha ay u baahanyihiin in laga caawiyo, Madaxweynaha ayaana u ballanqaaday inay Dowladdu garab taagan tahay.