Jubbaland oo dib u furtay Iskuulo ay horey u xirtay+Akhriso

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dib u furtay labo Iskuul oo ay horey u xirtay sida ku cad wareegtadan ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Waxbarashada Mudane Maxamed Ibraahim Maxamuud.

Iskuulada oo kala ah Aqoon Bile iyo Xalane, kuna yaala Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Jubbaland, ayaa Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland sheegtay in la saxay khaladaadkii horey u jiray, sidoo kalena la waafajiyay Sharciga Waxbarashada.