Madaxweyne Deni “Cadowyo qarsoon ayaa haysta Puntland”+VIDEO

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ku dhawaaqay inay Xukuumadiisu dagaal adag kula jirto Cadowyo qarsoon, kuwaas oo uu ugu horeeyo Musuq-maasuqa.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay inay jiraan Dad kula dagaalsan Xukuumadiisa in Dhaqaalaha laga aruuriyo Bulshada ee loogu adeegayo in iyaga la siiyo, isagoona tilmaamay in aysan Puntland weli gaari inay bixiso Ceyr.