Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Dhahar.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta safar ku tegay Magaalada Dhahar ee xarunta Gobalka Heyland, halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

Wafdiga oo safar dhinaca dhulka ah uga  ambabaxay dhinaca Degmada Qardho ayaa waxaa soo dhaweeyey maamulka Gobalka iyo Kan Dhahar, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaaladaas.

Madaxweyne Deni ayaa dhagax-dhigi doona  mashaariic laga hirgelinayo Magaalada Dhahar,taas oo uu balan qaaday Sagaal bilood ka hor,xilligii uu musharaxa ahaa.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Deni ayaa la filayaa in inta uu ku sugan yahay Magalada Dhahar uu kulamo kala duwan la qaato Maamulka Gobalka, kan degmada iyo Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, isaga oo kala hadllo doono xaalada Gobalka, iyo Hormarinta dhinacyada Amniga iyo Adeegyada Bulshada.