Pakistan: In ka badan 60 Ruux oo ku dhimatay shil Tareen

Ugu yaraan 65 ruux ayaa dhimatay oo ahaa rakaabka tareen kasoo safray magaalada Karachi ee dalka Pakistan kaasi oo qabsaday dab..

Wasiirka Gaadiidka ee dalka Pakistan Rashid Ahmed ayaa sheegay in dabka uu ka kacay gaas ay quraac ku karsanaayeen qaar kamid ah rakaabka.

Sida lagasoo xigtay masuuliyiinta maxaliga ah dad badan ayaa dhintay iyagoo isku dayaya in ay ka boodaan tareenka dabka qabsaday.

39 ruux oo kale ayaa lasheegay in shilka ay ku dhaawacmeen iyadoona waqtiba waqtiga xiga ay sii kordhi karto qasaaraha dhimashada.

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Cimraan Khaan ayaa tacsi u diray ehelada dadka ku dhintay shilka tareen isagoona ku tilmaamay in ay tahay musiibo u baahan in si deg deg ah in wax looga qabto.