QORMO: Reer Puntland ‘Gacmo geel-jire hoos baa loo dhaqaa’ W/Q: Xareed Xasan Cali

Waxaan rabaa innaan waxyar ka iftiimiyo dhacdaddii kalfadhiggii Parlamaanka Puntland oo furmay Bishaan Oktoobar dhexdeedda 2019.

Haddaan wax hoose oo Nagga Qarsoon aysan jirin,Su’aashii Xildhibaan Cawil uu weydiiyey Madaxweyne Siciid C/Llaahi Denni Umma arko sabab loo buunbuuniyo oo looga dhiggo in Dalkii lagu soo duulay.

Madaxweynaha meelkasta oo uu ka khudbeynayo wax waa lagu weydiinkaraa innagga waxaa innaggu Cusub baad moodaa Nidaamka Parlamenteriggaa.

Qof walba oo la doorto wuxuu rabaa innuu isku Cabbirro Heesihii iyo Sacabkii Dowladdii Kacaankii Maxed Siyaad Barre.Taasina ma dhacayso wakhtigaan la joogo Waana taariikh laga soo gudbey,Hadey fiicnayd Taariikhdaasna Dalku sidaan umma Burbureen.

Tallo soo jeedin kuwajahan Garsoorka iyo Madaxweyne Denni.Arrinkaan hadda ka hor buu nasoo maray Dowladdii Abdiqaasim Salaad Xasan (TNG)2002 Parlamaankii Muqdisho Fadhigiisu ahaa,

Sidaa Cawil baa waxa la damcay Nin Xildhibaana oo doodihiisu kululaayeen in Parlamaanka laga saaro Guddiggii Anshaxu waa soo gudbiyeen Paarlamaankiina wuxuu u codeeyey innaan laga saarin.

Tanninna siddii oo kale bay KU danbeyndoontaa malahayga waayo Parlamaanku waxay u arki doonaan haddii Xildhibaan Cawil ay Xasaanadda kala noqdaan iney noqon doonaan kuwa KU xigga Asagga.

Waxaa kaloo immaan kara khilaafkaas in Parlamaanka Puntland iyo Shacabka reer Puntland uu kala qaybsamo taasina cidna Danni uguma jirto Madax iyo Shacaba. Waxaa kaloo ka dhallan kara dooda kale oo layswiidiin karo.

Madaxweynuhu wuxuu magacaabay Guddiggii reer Puntland u gudbin lahaa Xisbiyadda badan, Xisbiyadda waxaa ka immaan doonnaa Dad maalin walba Tvyadda taagan oo dhaleecayn doona Madaxweyne Denni iyo Xukuumaddiisa ayagana Garsoorka iyo Xeer illaalintu maxay sameyn doonnaan?.

Waxaan maqlayaa Dad wax magarad aan ku tilmaami karo oo soo qoraya Cawil wuxuu tegey Muqdisho oo goormay danbi noqotay in Muqdisho la tago xageese ku qoran tahay?

Muqdishase ma Farmaajo iyo Fahad Yaasiin baa Puntland uga carareysaa?

Waxaan soo xusuustay erayaddii Kacaanka, sida kanni waa Mahbar, kacaandiid, Kulmis IWM.

Waxaan soo jeedin lahaa Arrinkas in si house loo xaliyo “Gacmo geel-jire hoos baa loo dhaqaa” oo laga daayo buunbuuninta aan macnaha KU dhisneyn.

Xareed Xasan Cali.

Wabillaahi Towfiiq.