Xaalada Itoobiya oo kasii dareysa iyo 78 Ruux oo ku geeryootay Rabshadaha.

Madaxa saxaafada xafiiska Raisul wasaaraha itoobiya Tilahun Neguse oo maanta saxaafada gudaha lahadlay ayaa sheegay in ilaa hada la,xaqiijiyay dhimashada 78 qof oo ku nafwaayay rabshado iyo iskudhacyo diimeed iyo kuwa qoomiyadeed oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Oromiya.

Mr. Tilahun ayaa intaasi kudaray in ilaa hada xabsiga loo taxaabay dad gaadhaya 409 qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka qaybqaateen isku dhacyada iyo dilalka fooshaxun ee dhawaan deegaanka Oromiya ka dhacay.

Mar wax laga waydiiyay sababta ay dawladu usamayn wayday kahortag kahor intayna dhibaatadu dhicin ayuu ku jawaabay inay jiraan kooxo aaminsan inay sharciga kasareeyaan iyo kuwo lidi ku ah isbadalka dalka balse xitaa Raisul wasaarahu uuna sharciga ka saraynin.

Dhanka kale wuxuu sheegay inay dawladu siiwadayso sharci horkeenida dadka falkan lugta ku leh kadib marka baadhitaanadu dhamaadaan, wuxuuna intaasi raaciyay in talaabo laga qaadayo saraakiisha kaladuwan ee haayadaha amaanka ee aan shaqadooda kasoo bixin iyo falkan lugta ku lahaaba.

Abiye Ahmed , LAMMA Magersa iyo Madaxweynaha Oromada oo ku sugan magaalada Ambo ee deegaanka oromada ayay shacabka Magaaladu banaanbax ka dhan ah kala hortageen.