XOG: Maxaa kasoo baxay wada-hadal dhex-maray MD Farmaajo iyo Sheekh Shariif ?

Wada-hadalo Khadka Taleefanka ah ayaa xalay dhex maray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynihii Hore ee DKMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shalay loo doortay Hoggaamiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Farmaajo la soo xiriiray Sheekh Shariif, kana dalbaday in si gaar ah u kulmaan, hase ahaatee Shariifka ayaa u sheegay in shalay wixii ka horeeyay uu ahaa shaqsi, balse haatan uu hoggaamiyo Madasha Xisbiyada, isla markaana haddii ay kulmayaan ay tahay in Madasha Hoggaankeeda inay qeyb ka ahaadaan kulanka, waxaana la sheegay in Madaxweynuhu ku yiri inuu ka soo fiirsanayo.

Todobaad ka hor ayay aheyd markii kulan qarsoodi ah uu Muqdisho ku dhex maray Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin iyo Xubno ka tirsan Xisbiga UPD, kuwaas oo ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin Doorashada iyo inay Dowladda Madaxweyne Farmaajo kala shaqeeyaan muddo kordhin, taas bedelkeedna ay wada dhistaan Xukuumad wadaag ah.

Xildhibaan C/fataax Daahir Ismaaciil oo ka tirsan Xisbiga UPD ayaa qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray waxaa uu ku sheegay in Xubno muhiim ah oo ka tirsan Xisbiga UPD ay kulan qarsoodi ah la yeesheen Fahad Yaasiin oo ah Agaasimaha NISA, loona soo jeediyay in Xukuumadda lala wadaago, lagalana shaqeeyo in waqti loogu daro Madaxweyne Farmaajo, sida uu yiri Mr C/fataax.

Dadka odorasa arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in arrimahan soo kordhay ee isbaheysiga Madasha Xisbiyada ee Mucaaradka ah uu  culeys weyn ku yahay dowladda Federaalka, waxaana muuqata isku-day dowladdu ku dooneyso inay ku dhex gasho Xisbiyada qaar oo ay wada hadalo hoose la furto.