Dhismaha gunta Badda ee Dekedda Garacad oo maalmaha soo socda bilaabanaya+Sawirro

Qalabkii lagu dhisi lahaa wajiga labaad ee Dekedda Degaanka Garacad ee Gobalka Mudug, ayaa gaaray degaankaas, iyadoona la filayo in maalmaha soo socda la filayo in shaqadu si rasmi ah u bilaabato.

Qalabkan ayaa ah dhameystirka qalabka loogu talagalay dhismaha qeybta Badda, waxaana dhowaan ay soo gaareen Dekedda Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland, iyadoona saacadihii lasoo dhaafay gaaray Garacad.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa dhowaan dhagax-dhigay Wajiga Labaad ee Dekedda Garacad, isagoona ku dhawaaqay in muddo labo sanno ah lagu soo gaba-gabeynayo Dekedda oo ah mid aad u balaaran.

Dekedda Degaanka Garacad ayaa ah mid si isku tashi ah ay u dhisanayaan Shacabka iyo Ganacsatada Puntland, iyadoona la filayo inay dhowaan kusoo biiraan Maal-gashato Caalami ah.