Jabuuti oo $600,000 oo Dollar ugu deeqday Dad ay saameeyeen Fatahaaduhu+VIDEO

Dawladda  Jabuuti ayaa Soomaaliya soo gaarsiisay Lacag gargaar ah oo ay kaga qayb qadanayso gurmadka dadka ay saameeyeen Fatahaadaha webiga Shabeelle.

Lacagta ay soo dirtay dawladda jabuuti ayaa waxa lagu wareejiyay guddiga ay dawladdu u xilsaartay u gurmadka Fatahaadaha , waxa ayna lacagtaasi cadadeedu ahayd 100 million oo ah lacagta laga isticmaalo Jabuuti una dhiganta 600.000 doollar .

Lacagtan ayaa waxaa adeegyo kala duwan oo ay ka mid yihiin dawooyin, agab, iyo raashin loogu samayn doonaa dadka ku dhibaataysan duleedka  magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan