Madaxweyne Deni oo Qado u sameeyay qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Karkaar+VIDEO

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa munaasabad Qado Sharaf ah u sameeyay Qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka karkaar, Xafladda oo ka dhacday Beerta Dalxiiska ee Qardho waxaa kala qeybgalay Madaxweyne Deni , Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada , maamulka gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho, siyaasiyiin xilal kasoo qabtay Puntland, hogaanka dhaqanka, culimo, aqoonyahano , dhallinyaro iyo haween.

Ujeedka kulanka wuxuu ahaa in Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni uu uga mahadceliyo Bulshada Gobolka karkaar sidii weyneyd ee ay usoo dhoweeyeen, iyo inuu kala hadlo bulshada horumarka guud ee ka socda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey sida bulshada gobolku uga qeyb qaadanayso horumarka, wuxuuna ku dhiirigeliyey bulshada in la xoojiyo midnimada iyo illaalinta Nabadda.