Maraykanka oo war kasoo saaray xaalka Itoobiya

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed kala hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka xilli dhawaan ay ka dhaceen halkaas dibadbaxyo rabshado watay oo ay dad badan ku dhinteen.

“Abiy iyo Pompeo waxay ka wadahadleen dibadbaxyadii rabshadaha watay ee harreeyay gobolka Oromiya iyo sidii loo dejin lahaa xiisadda ka dhalatay dagaallada u dhexeeya qowmiyadaha qaar” ayaa lagu yiri bayaan lagu daa boggay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Itoobiya waxaa ka dhacay dagaallo u dhexeeya qowmiyadaha qaar ee wada dego halkaas.

Rabshadihii ugu dambeeyay waxay ka dhasheen markii Jawaar Maxamed oo kamid ahaa dadkii garwadeenka ka ahaa Itoobiya oo ku eedeeyay dowladda inay kala noqon rabtay ilaaladiisa, inkasta oo ay dowladda beenisay eedeymahaas.

Dad gaarayo 78 qof ayaa ku dhimatay rabshadihii harreeyay dalkaas dhawaan,sida uu sheegay, xoghayaha xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Laamaha ammaanka Itoobiya waxay xabsiga u taxaabeen in ka badan 400 qof oo lala xiriiriyay rabshadaha.Article share tools