Baarlamaanka Puntland oo diiday in Xasaanada laga qaado Xildhibaan Cawil+VIDEO

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa u codeeyay iney sharci darro aheyd Warqaddii dhawaan ka soo baxday xafiiska Xeer ilaalinta ee Lagu dalbanayay in xanaasanadda laga qaado Xildhibaan Cawil Daad.

39 Xildhibaan oo kamid ah Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa u codeeyey inay dacwadu tahay sharci daro halka 2 Xildhibaan ay u codeeyeen inay sharci tahay.

Sidoo kale, Guddig Shuruucda ee Baarlamanka ayaa dalbaday in loo yeero Masuuliyiinta xeer ilaalinta laakiin baarlamanka ayaa markii danbe isku raacay inaan loo yeerin.

Xildhibaan Cawil Xassan Daad, ayaa u mahadceliyay xildhibaannada Baarlamanka Puntland oo laalay dacwad xildhibaanka laga gudbiyay