Ciidanka Dowladda iyo Ahlu-sunna oo ku dagaalamay Matabaan

Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dagaal kula wareegay gacan ku heynta Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan, kadib markii Ciidamo ka tirsan Ahlusunna ay hor istaageen Wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Magaalada u socday.

Dadka Degaanka ayaa sheegay in dagaal kooban uu ka dhacay Magaalada, islamarkaana Ciidanka Ahlusunna ay ka baxeen.

Ciidanka Ahlu-sunna ayaa hadda ku sugan duleedka degmada Matabaan, waxaana Wararka qaar ay sheegayaan in Ahlu-sunna ay waddo Aruursi Ciidan.

Xaalada Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan ayaa maanta kacsan, waxaana gacanta ugu haya si buuxda Ciidanka Dowladda, iyadoona ay jirto cabsi soo food-saartay Shacabka, kuwaas oo ka baqaya in lagu dul-dagaalamo.